Xafiiska cabashooyinka ee macaamiisha Qaxootiga ee Diakonie (Flüchtlingsdientes), Adeegga Bulshada Halka Aduun ee Diakonie (Eine Welt Sozialdienstes) ama Goobaha Nolashada Halka Aduun ee Diakonie (Eine Welt Lebensräume)?

Waxaan Adeegga Qaxoontiga Diakonie iyo Adeegga Bulshada Halka Aduun ee Diakonie u aragnaa inay yihiin ururo wax barasho oo dhaleeceeya midab-takoorka waxayna u shaqeeyaan hab jinsiyad ahaan xasaasiyad leh. Dib u milicsiga joogtada ah, qiimaynta iyo horumarinta dheeraadka ah ee dhismayaasheena, hababka shaqada iyo adeegyadeena waa arrin aad muhiim noogu ah. Marka sidaas la samaynayo, waxa ina haga hab-dhaqan ixtiraam iyo qaddarin leh oo ku wajahan macaamiisheena. Waxa aasaaska u ah fahakeena ku aadan xirfad-yaqaannimada iyo tayada shaqo ayaa ah inaan u shaqeyno si xor ah oo aan takoor lahayn.

Qodob muhiim u ah gaarista hadafyadan waa xafiiska cabashooyinka ee loogu talagalay macaamiisha:

Kaliya dadka hadda macaamiil ka ah xarumaha adeegga Qaxootiga ee Diakonie iyo Adeegga Bulshada Halka Aduun ee Diakonie.

Haddii aad rabto inaad qof ka baxsan shaqaalaha xarunta uga cabato wax ku saabsan:

  • Adeegyada xarunteena ay siiso.
  • Sida shaqaalaha xarunteena ay kuuula dhaqmaan
  • Wuu qaabilaa cabashadaada wuuna ku dhagaysanayaa
  • Wuxuu si wada jir ah kaagala shaqeeynayaa cabashadaada
  • Wuxuu kaa caawinayaa xalinta khilaafaadka kaala dhaxeeya machadka
  • Wuxuu abuulaa oo uu dhexdhexaadiyaa doodaha/wada xajoodka
  • Wuxuu cabashadaada uga shaqeynayaa si qarsoodi ah haddii aad rabto.
  • Fariin noogu dhaaf lambarka taleefanka ee soo socda: +43 (0)664 355 24 68.
  • Iimayl noogu soo dir  beschwerde.einewelt@diakonie.at
  • Fariin noogu dhaaf lambarka WhatsApp oo ah +43 (0)664 355 24 68.

Waxaan kuugu soo laaban doonaa si ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah, badanaa usbuuc gudihiis.

Fadlan nala soo xiriir!

Cabasho gudbinta kuuma keeni doonto faa'iido darro ama cawaaqib xumo. Adeegyada xafiiska cabashooyinka waa lacag la'aan.

  • Fariin noogu dhaaf lambarka taleefanka ee soo socda: +43 (0)664 355 24 68.
  • Iimayl noogu soo dir  beschwerde.einewelt@diakonie.at
  • Fariin noogu dhaaf lambarka WhatsApp oo ah +43 (0)664 355 24 68.

Waxaan si dhab ah u qaadanaa cabashadaada - fadlan nala soo xiriir!

Dabcan, waxaad sidoo kale fursad u haysataa inaad cabashadaada si toos ah ugala hadasho shaqaalaha ama maamulka xarunteena.